WARBIXIN: Wax Ka Baro 3 Qof Oo Koobka Adduunka Ku Guulaystay Iyaga Oo Ciyaartoy Iyo Tababare Ah.

Ma ahan hawl fudud in aad ku guulaysato koobka aduunka ciyaaryahan ahaan iyo tababare ahaanba laakiin saddexdan kaliya ayaa sheegan kara in ay guushaas gaadheen.

1) Didier Deschamps

Deschamps waxa uu ku guuleystay Koobka Adduunka isagoo ciyaaryahan ah 1998-dii, isagoo kabtan u ahaa France oo ku guuleystay koobka adduunka xulkiisa ayaa ka badiyay Xulalka Denmarka Koonfur Afrika, iyo Sacuudi Carabiya. Kadib waxa ay ka badiyeen Paraguay ka dib waqtigii dheeriga ahaa ee wareega 16-ka.

Kadib waxa ay rikoodhayaal kaga badiayeen xulka Italy ka hor inta ayna Semi-final-ka ka badin Croatia ugu dambayna Final-ka ka badin xulka Brazil.

Sanadkii 2018, wuxuu u suurtageliyay Les Blues inay 4-2 kaga badiyaan Croatia ciyaartii horyaalka, ka dib markii France ay gaartay finalka markii ugu horeysay tan iyo 2006.

Waxay ka soo baxeen Group ay ku jiraan Denmark, Peru iyo Australia, ka dibna ay garaaceen Argentina. Xulalka Uruguay iyo Belguim ka hor inta ayna Final-ka ka badin Croatia.

2) Mario Zagallo

Zagallo waxa uu laba jeer la qaaday Koobka Adduunka isagoo ciyaaryahan ah Brazil sannadihii 1958 iyo 1962. Markii hore waxa ay finalka ku garaaceen Sweden kadib waxa ay ka qaadeen koobka xulka Czechoslovakia.

Ka dib waxa uu maamulay dalkiisa 1970-kii halkaas oo ay ku qaadeen koobkii caanka ahaa ee ay ku jireen koox ay ka mid ahaayeen Pele iyo Jairzinho oo ay ku garaaceen Talyaaniga finalkii.

3) Franz Beckenbauer

Halyeygii Jarmalka ahaa ayaa ku guuleystay Koobkii Adduunka 1974-kii isagoo ku sugan dalkiisa, isagoo Final-kii ku garaacay Netherlands. Isagoo macalin ah wuxuu wadankiisa ku hogaamiyay koobka adduunka 1990-kii ka dib markii uu ka badiyay xulka Argentina oo uu hogaaminayay Diego Maradona, islamarkaana uu ka soo gudbay England semi-finalka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga