Man United Oo Guuldaro Fadeexad Ka Soo Raacday Kala Kulantay Crystal Palace

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa xasuuq iyo bahdilaad kala soo kulantay Crystal Palace oo ay ku booqatay magaalada London, waxaana ay si rasmi ah u lumisay booskeedii kaalinta toddobaad oo hadda ay si buuxda ula wareegtay Chelsea oo garab ka heshay guusha Crystal Palace.

Crystal Palace ayaa 4-0 ku xasuuqday Manchester United oo si dhab ah u kala daadsanayd, isla markaana si weyn u tebaysay kabtankeeda Bruno Fernandes oo dhaawac kaga maqnaa ciyaartan.

Laba qalad oo uu sameeyey Casemiro iyo liidashada Jonny Evans ayaa sababay goolasha ay Crystal Palace ku shubtay shabaqa goolhaye Andre Onana oo sidoo kale uu la baxsaday nasiibku markii kubbad la dhaafiyey ay birta kusoo dhacday.

Ciyaarta oo lagu martigeliyay garoonka Selhurst Park, ayaa waxaa goolasha bilaabay xiddiga Michael Olise, waxaana u dhaliyay kooxda martida loo ahaa daqiiqadii 12-aad ee ciyaarta.

Ciyaaryahanka lagu magacaabo John Philippe Mateta ayaa daqiiqadii 40-aad ee ciyaarta goolka labaad dhaliyay.

Tyreek Mitchell ayaa daqiiqadii 58-aad ku guulaystay in uu udhaliyo goolka 3-aad ee ciyaarta kadib markii uu ka faa’iidaystay kubad uu gudaha xerada ganaaxa ku dhex martay kadib jahawareer dhanka daafaca ah oo ay Red Devils ku samaysay.

Olise ayaa dhaliyay goolka 4-aad ee Kooxdiisa isaga Oo shabaqa Soo taaabtay daqiiqdii 66-aad.

Waxa sidaas ku dhamaantay ciyaarta Oo ay Man United la kulantay ceeb iyo fadeexad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga