Warbixin: Kulamadii Sababta U Ahaa In Ay Arsenal Horyaalka Lumiso

Kooxda Arsenal ayaa ku fashilantay ku guulaysiga horyaalkii premier league xilli ciyaareedkan.

Arsenal ayaa baacsanaysay kooxda Man City kuwaas Oo difaacday Tartanka xilli ciyaareedkan.

Arsenal ayaa la odhan karaa waxa ay ahayd kooxdii ugu Fiicanayd horyaalka premier league xilli ciyaareedkan.

Hada Warbixintan waxa aan ku Soo bandhigi doona kulamadii Sababta u noqday in ay Arsenal ku guulaysan waydo horyaalka.

Arsenal 2-2 Fulham, August 26:

Kooxda Arsenal ayaa bar-baro niyad jab leh la gashay Fulham qaybtii hore ee xilli ciyaareedka iyada Oo Garoonkeeda joogta waana Sababta ay Ugu Fashilmeen horyaalka.

Chelsea 2-2 Arsenal, October 21:

Waa bar-baro kale Oo ay Arsenal gashay premier league xilli ciyaareedkan, Gunner ayaa dhaafi Wayday Chelsea Oo la odhan karo waa kooxdii ugu xumayd ee Soo Marta blues sanadihii ugu dambayay.

Arsenal 0-2 West Ham, December 28:

Waxa ay ahayd guuldaro lama filaan ahayd Oo Soo gaadha Arsenal Kadib markii ay Guuldaro kala kulmeen West Ham iyaga Oo jooga Emirates.

Man City 0-0 Arsenal, March 31:

Markii ay ciyaartu dhamaantay cid walba waxa ay bar-baraha u aragtay mid u Fiican kooxda Arsenal laakiin haatan Waxa ay ka mid tahay sababaha ay Arsenal u lumisay horyaalka.

Arsenal 0-2 Aston Villa, April 14:

Waa guuldaro kale Oo ahayd mid ay Arsenal la baaqan kartay Marka loo eego in ay garoonkeeda ku ciyaaraysay laakiin waxa ay ka mid tahay sababaha ay Arsenal ku lumisay horyaalka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga