Pep Guardiola ayaa farta ku fiiqay waqtigii Arsenal lumisay hanashada horyaalka Premier League kadib markii kooxdiisa Manchester City ay ku guulaystay horyaalka premier league.
City ayaa ku guulaysatay premier league markii 4-aad oo xidhiidh ah Kadib markii ay Garaacday kooxda West Ham maalintii ugu dambeeyay horyaalka premier league.
Waxa ay Soo afjartay xilli ciyaareed ay Arsenal si adag ugu tartantay horyaalka isla markaas ahayd kooxda wakhtiga ugu badan hogaaminaysay iyada iyo Man City.
Laakiin Gunners ayaa dhibco lumiso Wakhti Xasaasi ah.
“Waxaan ku bilownay si fiican, ka dib markii aan hoos u dhignay dhibcaha” ayuu yidhi Guarriola.
“Dhiibka ugu hooseeya waxa uu ahaa kulankii Aston Villa ee martida ahaa laakiin kulamadii halkan aan la ciyaarnay Liverpool, Tottenham, Crystal Palace waxa aanu luminay lix dhibcood, waxa aanu ahayn mid la rumaysan karin sidii aanu u ciyaarnay”.
“hadii aad qiimayso markii ay ay Arsenal horyaalka lumisay waa kulankii ay Guuldarada kala kulantay Aston Villa”.
Be the first to comment