Koobka Adduunka waa masraxa ugu weyn ee kubadda cagta. Balaayiin qof ayaa daawada, ciyaartoyduna waxay noloshooda oo dhan ku riyoodaan inay ka qayb galaan.
Hase yeeshee mararka qaarkood ciyaaryahan ayaa fursaddaas weyn eegaya oo si cad u diidaya.
Kuwani waa toddoba ciyaaryahan oo diiday in ay ka qayb galaan Koobka Adduunka. Qaar ka mid ah sheekooyinkani runtii way ku yaabin doonaan.
Odsonne Edouard – Haiti (2026)
Odsonne Edouard wuxuu xilli ciyaareed fiican la qaatay RC Lens, isagoo dhaliyay 14 gool iyo 3 caawin. Haiti, oo ka qaybgalaysa Koobka Adduunka markii labaad taariikhdeeda, ayaa u yeertay. Wuxuu xaq u lahaa inuu u ciyaaro Haiti maadaama waalidkiis Haitian yihiin.
Laakiin wuu diiday. Sababtiisu ma ahayn islaweyni ama danaysi. Wuxuu yiri:
“Ma dareemi lahaa inaan xaq u leeyahay inaan ka ciyaaro Koobka Adduunka, sababtoo ah ciyaartoyda kale ayaa usoo halgamay isreeb-reebka, aniguna ma doonayo inaan daqiiqaddii ugu dambaysay imaado oo ka faa’iidaysto.”
Sidoo kale, wuxuu wali rajaynayaa inuu maalin u ciyaaro xulka Faransiiska. Haiti waxay la ciyaari doontaa Brazil, Morocco iyo Scotland isaga la’aantiis.
Eli Junior Kroupi – Portugal (2026)
Kroupi waa 19 jir dhaliyay 12 gool Bournemouth xilli ciyaareedkan. Portugal ayaa doonaysay inuu u ciyaaro maadaama hooyadiis asal ahaan Portuguese tahay.
Laakiin wuxuu doortay Faransiiska, halkaas oo uu ku dhashay kuna koray. Wuxuu soo maray dhammaan kooxaha da’yarta ee Faransiiska, wuxuuna doonayaa inuu gaaro xulka waaweyn ee Faransiiska inkastoo tartanka boosaska uu aad u adag yahay.
Louey Ben Farhat – Tunisia (2026)
Louey Ben Farhat, oo 19 jir ah kana ciyaara Karlsruher SC ee Jarmalka, ayaa lagu daray xulka Tunisia.
Laakiin maalintii lagu dhawaaqayay liiska ciyaartoyda, tababaraha Tunisia Sabri Lamouchi waxaa soo wacay aabbaha ciyaaryahanka, isagoo sheegay in ay wali hore tahay in wiilkiisa loo qaato Koobka Adduunka, isla markaana uu diidayo yeeritaanka.
Tababaruhu aad ayuu uga xanaaqay. Ben Farhat markii dambe wuxuu sheegay inuu wali ka soo kabanayo jab lugta ah oo hore ugu dhacay, isla markaana uu doonayo inuu mudnaanta siiyo caafimaadkiisa.
Ben White – England (2022)
Ben White wuxuu gaaray Koobkii Adduunka ee Qatar, wuxuuna ku jiray xerada England.
Laakiin ka hor kulankii Wales, si lama filaan ah ayuu uga baxay xerada. Xiriirka Kubadda Cagta England wuxuu sheegay inuu baxay sababo gaar ah dartood. Warar badan ayaa kasoo baxay muran dhex maray isaga iyo kaaliyaha tababaraha Steve Holland, balse Ben White waligiis ma xaqiijin arrintaas.
Muddo laba sano ah ayuu iska diiday in loo xusho England. Ilaa maanta, sababta dhabta ah si rasmi ah looma oga.
Nikola Kalinic – Croatia (2018)
Kalinic wuxuu ku jiray xulka Croatia ee Koobka Adduunka 2018.
Kulankii Nigeria, iyadoo Croatia 2-0 ku hoggaaminaysay, tababare Zlatko Dalić ayaa ku amray inuu iskululeeyo si uu beddel ugu soo galo. Kalinic wuxuu sheegay inuu dhabarka ka xanuunsanayo, sidaas darteedna uusan geli karin ciyaarta.
Ma ahayn markii ugu horreysay ee uu cudurdaar bixiyo. Tababaruhu wuxuu go’aansaday inuu dalka dib ugu celiyo.
Croatia waxay gaartay finalka, balse waxaa 4-2 ku garaacday Faransiiska. Kalinic xitaa wuu diiday billaddii kaalinta labaad, isagoo yiri:
“Anigu kama ciyaarin Ruushka, waxna kuma biirin. Sidaa darteed ma doonayo billadda.”
Ruud Gullit – Netherlands (1994)
Ruud Gullit wuxuu ahaa mid ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicnayd dunida.
Wax walba waxay muujinayeen inuu ka qayb geli doono Koobka Adduunka 1994 ee Maraykanka. Si lama filaan ah ayuu uga baxay xerada tababarka.
Markii dambe waxaa la ogaaday inuu khilaaf kala dhexeeyay tababare Dick Advocaat oo ku saabsan xeeladda ciyaarta iyo booska uu ka ciyaari lahaa.
Netherlands waxay gaartay wareegga siddeed dhammaadka balse Brazil ayaa ka reebtay. Taageerayaal badan ayaa wali aaminsan inay ka gudbi lahaayeen Brazil haddii Gullit ciyaari lahaa.
Johan Cruyff – Netherlands (1978)
Magaca ugu weyn liiskan waa Johan Cruyff.
Dad badan ayaa filayay inuu hoggaamiyo Netherlands Koobka Adduunka 1978. Laakiin si lama filaan ah ayuu uga maqnaaday.
Muddo dheer dadku waxay ka samaynayeen mala-awaalo badan. Qaar waxay yiraahdeen lacag ayuu ku murmay, qaarna heshiisyo xayeysiin.
Laakiin 2008 ayuu Cruyff shaaciyay sababta dhabta ah. Sanadkii 1977 isaga iyo qoyskiisa waxaa gurigooda Barcelona loogu qabsaday qori caaradiis, isku day afduub ahna waa lagu sameeyay.
Dhacdadaas naxdinta leh awgeed, ma uusan rabin inuu u safro Argentina.
Wuxuu yiri:
“Waxaa jira waqtiyo nolosha ka mid ah oo ay jiraan waxyaabo ka muhiimsan kubadda cagta.”
Netherlands waxay gaartay finalka mar kale, balse waxay 3-1 ku guuldarraysatay martigeliyeyaashii Argentina.
Be the first to comment