WARBIXIN: 4 Tababare Oo Laga Yaabo In Ay Shaqada Ka Badalaan Jurgen Klopp.

Jurgen Klopp ayaa hadda wax ka yar laba bilood ka hadhsan tahay inuu macsalaameeyo Liverpool – taageerayaashuna weli ma garanayaan cidda beddeli doonta.

67 maalmood tan iyo markii uu Klopp ku dhawaaqay in uu baxayo Reds waxay magacawday agaasime cusub oo isboorti Richard Hughes, la arkay milkiilayaasha Fenway Sports Group (FSG) oo magacaabaya maamulihii ugu horeeyay ee kubada cagta Michael Edwards, waxayna ku guuleysteen Carabao Cup – weli su’aasha ugu weyn lagama jawaabin.

Xidigii hore ee Liverpool Xabi Alonso ayaa ahaa shaqsiga ugu cadcad ee badali kara Klopp, iyadoo kooxdiisa Bayer Leverkusen ay ku riyaaqday xilli ciyaareedkiisii ​​​​labaad ee cajiibka ahaa ee kooxda.

Laakiin Alonso, oo kooxdiisu ay saddex kulan ku jirto inay ku guulaysato horyaalka Bundesliga, isla markaana ay rajo ka qabto inay ku guuleysato saddexley, ayaa meesha ka saaray inuu ka tagi doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

In Liverpool ay mar hore go’aansatay lama oga, laakiin qof aysan xiiseyneynin waa Roberto De Zerbi, kaasoo taageereyaal badan ay u arkeen inuu yahay bedelka muuqda.

Waxaa soo baxday in maamulaha Brighton uusan ku jirin liiska rabitaanka Reds waxayna taa beddelkeeda eegayaan bartilmaameedyo kale.

warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 5 tababare oo laga yaabo in ay Reds u dhaqaaqdo si ay ugu badalaan Klopp.

Ruben Amorim:

Waxa aan ku bilaabi doonaa tababaraha ugu hadal haynta badan, Ruben Amorim ayaa tababare aad loo raadinayo, kaliya ma ahan Liverpool waxa sidoo kale lala xidhiidhinayaa Barcelona oo raadinaysa badalka Xavi.

39-sano jirkaan ayaa qandaraaskiisa Sporting lagu burburin karaa €13million, taasoo caqabad weyn ku ah Barca. Liverpool, dhanka kale, waxay u badan tahay inay awood u leedahay inay bixiso lacagtan oo kale haddii loo baahdo.

Julian Nagelsmann:

Tababaraha Xulka Germany ee Julian Nagelsmann ayaa ka mid ah tababarayaasha da’yarka ah ee u soo baxaya isaga oo muujiyay tayadiisa ka hor intii uuna tababaraha u noqon xulka Germany isaga oo wacdaro ka dhigay kooxaha Hoffenheim, RB Leipzig iyo Bayern Munich.

Hadii uu doonayo in uu ku soo laabto shaqada tababarka waxa uu fursada ugu weyn ka helayaa kooxda Liverpool.

Ange Postecoglou:

Tababaraha Kooxda Tottenham ayaa meel walba uga mid ah Klopp, marka la eegayo shaqada, qaab ciyaareedka iyo waliba in uu yahay tababare maskax badan.

Ange Postecoglou ayaa Tottenham ka dhigay koox adag isaga oo ka caawiyay in ay ciyaaraan kubad weerar ah waxana uu shaki la’aan ku soo bixi doonaa Liverpool.

Simone Inzaghi:

Tababaraha reer Italy ayaa la hubaa in uu Inter ku hogaamin doono horyaalka Talyaanka waxana ay sidoo kale Inter ku tartamaysaa koobka Talyaaniga.

Tababare Simone Inzaghi ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda Liverpool iyada oo 47 jirkan wacdaro ka dhigayo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga