WARBIXIN: 3 Waddo Oo Ay Arsenal Ku Buuxin Karto Booska Gabriel.

Guushii ay Arsenal ka gaadhay Fulham Salaasadii ayaa dhibaato u keentay Arsenal iyada oo Mikel Arteta uu wajahayo dhibaato daafaca maalmo ka hor kulanka lugta hore ee ay la ciyaari doonaan Real Madrid champions League.

Inkasta oo ay soo dhaweeyeen soo laabashada Bukayo Saka kaas oo dhaliyay gool kulankii Fulham waxa ay dhaawac ku waayeen aafac muhiim ah.

Daafaca Gabriel ayuu dhaawac muruqa ah soo gaadhay waxana uu haatan garoomada ka maqnaan doonaa inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Hadaba halkan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 3 waddo oo ay Arsenal ku buuxin karto booska Gabriel

Timber, Saliba, Kiwior, Lewis-Skelly:

Arsenal waxa dhibay xilli ciyaareedkan dhaawacyo muruqa ah iyada oo Saka dhawaan ka soo laabtay dhaawaca halka u Kai Havertz ku maqnaan doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Iyadoo Gabriel uu hadda ka maqan yahay kulanka Madrid, Arteta wuxuu si aad ah u rajeyn doonaa in dhaawaca Timber uu yahay mid aad u yar.

Haddii uu taam yahay xiddiga reer Holland, Arsenal ayaa soo geli karta isla afar daafac oo ciyaaray inta badan kulankii Fulham iyada Jakub Kiwior uu u soo galay booska Gabriel.

Timber, White, Saliba, Lewis-Skelly:

Tani waxay u badan tahay inay tahay shaxda ugu fiican Arsenal dhinaca daafaca.

White ayaa si buuxda ugu soo laabtay taam ahaanshihiisa kadib markii uu ka soo laabtay dhaawac jilibka ah waxana uu ka qayb ahaa kooxdii ciyaartay ulankii PSV laakiin waxa uu dhibaato jilibka ah ku seegay kulankii Fulham.

Hadii uuna dhaawacu ahayn mid halis ah White ayaa wajihi kara Real Madrid isaga oo ka ciyaari doona daafaca Midig halka uu Timber ka ciyaari doono daafaca dhexe kana garab ciyaari oono Kiwior.

Partey, Saliba, Kiwior, Lewis-Skelly:

Shaxdan ayaa noqon karta mida ugu xun waa hadii Timber Iyo white taam noqon waayaan si ay u wajahaan Real Madrid.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga