Pedri, Mainoo, Salah, Osimhen, Gyokeres, Raphinha Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Waxa lagu jiraa dhamaadka xilli ciyaareedka iyada oo kooxaha u dagaalamayaan sidii ay meel fiican ugu dhamaysan lahaayeen.

Sidoo kale Kooxaha ayaa bilaabaya sidii ay u ilaysan lahaayeen xiddigo ay ku xoojiyaan kooxdooda xilli ciyaareedka ambe.

Manchester United ayaa diyaar u ah inay wax ka badan saddex jibaarto mushaharka Kobbie Mainoo ee haatan kaas oo ku kacaya 30 kun todobaadkii laakiin Red Devils ayaa diidan n ay bixiso lacagta 150 kun ee uu xiddigu doonayo (GIVEMESPORT).

Sida ay soo baxeen wararka ku saabsan go’aanka Mohamed Salah uu kaga tagayo Liverpool, xiddiga reer Masar ayaa si dhab ah u dhameystiray heshiis cusub oo uu ku sii joogayo garoonka Anfield ka dib markii ugu dambeyntii kooxdu ay ka soo baxday dalabaadkiisa dhaqaale (El Nacional).

Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa in ay Barcelona iyo Arsenal kula xifaaltamaan saxiixa goolhayaha aadka loo qiimeeyo ee Espanyol ee Joan Garcia xagaagan (Real Madrid Exclusivo).

Arsenal, Liverpool iyo Nottingham Forest ayaa u aqoonsaday weeraryahanka Wolfsburg Mohamed Amoura inuu yahay bartilmaameed weeraryahan jaban (L’Equipe).

Manchester United ayaa Napoli Victor Osimhen ka dhigtay bartilmaameedkeeda 1-aad ee suuqa xagaaga (Fichajes).

Arsenal ayaa lagu tilmaamaa inay hogaamineyso tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka ay doonayaan ee Sporting CP Viktor Gyokeres (El Nacional).

Liverpool ayaa ka fikiraysa inay u dhaqaaqdo kubadsameeyaha da’da yar ee tayada leh ee Real Madrid Arda Guler, kaasoo sidoo kale xiiso ka helaya Aston Villa (Caughtoffside).

Arsenal iyo Liverpool ayaa labaduba ku loolamaya saxiixa xiddiga Crystal Palace Eberechi Eze, kaasoo lagu heli karo 60 milyan maadaama lagu burburin karo qandaraaskiisa (Caughtoffside).

Pedri kaliya maahan xiddiga Barcelona ee Manchester City ay isha ku hayso. Pep Guardiola ayaa sidoo kale aad u doonaya in uu keeno Raphinha si uu u noqdo badalka Jack Grealish (El Nacional).

Arsenal ayaa ku qasbanaan doonta inay ka dhigto garabka Spain Nico Williams, oo 22 jir ah, mid ka mid ah kuwa ugu dakhliga badan kooxda si ay ugala soo wareegaan xagaagan Athletic Bilbao (Telegraph).

Ilaa 11 ciyaaryahan oo Arsenal ah, oo ay ku jiraan daafaca bidix ee Ukraine Oleksandr Zinchenko, 28, iyo daafaca Poland Jakub Kiwior, 25, ayaa laga yaabaa inay baxaan xagaagan si ay u xoojiyaan dhaqaalaha kooxda ee suuqa kala iibsiga (Mirror).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga