
Kooxda Man City ayaa xiddiga Julian Alvrez ka iibisay Atletico Madrid.
Xiddiga reer Argentine ayaa lacag rikoodh ah ugu biiray kooxda ka ciyaarta horyaalka La Liga.
Man City ayaa xiddiga ka faa’iiday lacag waali ah marka loo eego in ay kula soo wareegtay lacag aan gaadhin 30 milyan oo euro.
Halkan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 10-ka iib ee ugu qaalisan Man City
1.Julian Alvarez 95 milyan:
Man City ayaa xiddiga 24 jirka ah ka dhigtay iibkii ugu qaalisanaa ee ay samaysay taariikhdeeda iyada oo ku iibisay 95 milyan oo euro.
2.Raheem Sterling 50 Milyan:
Kooxda Man City ayaa ka soo celisay lacagtii ay ka bixisay Sterling markii ay kala soo wareegtay Liverpool waxana ay ka iibisay kooxda chelsea.
3.Ferran Torres: 46.7 milyan
4.Gabriel Jesus: 45 milyan
5.Leroy Sane: 44.7 milyan
6.Cole Palmer: 42.5 milyan
7.Danilo: 34 milyan iyo Joao Cancelo
8.Oleksandr Zinchenko: 32 milyan
9.Riyad Mahrez: 30 milyan
10.Kelechi Iheanacho: 25 milyan
Be the first to comment