Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Detailed view of the Sport section of a pile of National newspapers including The Times, The Sun and the Daily Mirror

Waxa Lagu jiraa kulamadii ugu Dambeeyay Ee Xilli Ciyaareedka iyada oo kooxuhu bilaabeen qorshohooda suuqa kala iibsiga.

Halka Kaga bogo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Xagaaga.

**Weeraryahanka Chelsea iyo xulka Brazil  Joao Pedro (24 jir) ayaa noqday bartilmaameedka ugu weyn ee Barcelona si uu u beddelo Robert Lewandowski (37 jir) oo la filayo inuu ka tago kooxda dhammaadka xilli ciyaareedka.

**Aston Villa ayaa la socota Paris Saint-Germain iyo xulka Senegal weeraryahankiisa da’da yar Ibrahim Mbaye (18 jir), iyadoo kooxda ay qorsheyneyso inay diiradda saarto ciyaartoyda da’da yar xagaagan.

**Barcelona waxay u leexan kartaa difaaca Tottenham Hotspur iyo xulka Argentina Cristian Romero (28 jir), haddii ay ku guuldareysato saxiixa Inter Milan daafaca Alessandro Bastoni (27 jir).

**Aston Villa waxay diyaar u tahay inay iibiso garabka Ingiriiska Tommi O’Reilly (22 jir), oo amaah ku jooga Crewe Alexandra, iyadoo ay xiiseynayaan Oxford United, Portsmouth iyo Huddersfield Town.

*Coventry City oo u soo baxay Premier League ayaa la tartami doona Leeds United si ay u helaan weeraryahanka RB Leipzig Lois Openda (26 jir), kaas oo amaah ku jooga Juventus.

**Newcastle United iyo garabka Ingiriiska Anthony Gordon (25 jir) wakiilladiisa ayaa xiriir la sameeyay Bayern Munich muddo bilo ah, iyadoo tababare Vincent Kompany uu ogolaaday heshiiska.

**Hayden Hackney (23 jir) ayaa ku dhow inuu u wareego Premier League, iyadoo Brighton ay ku biirtay Nottingham Forest tartanka loogu jiro saxiixiisa oo ka imanaya Middlesbrough.

**Nottingham Forest, Aston Villa iyo Crystal Palace ayaa dhammaantood riixaya saxiixa khadka dhexe ee Rangers Bailey Rice (19 jir).

**Aston Villa ayaa dardargelin doonta dadaalka ay ugu jirto saxiixa goolhayaha Manchester City iyo xulka Ingiriiska James Trafford (23 jir), si uu u beddelo Emiliano Martinez (33 jir).

**Tababaraha Jarmalka Hansi Flick (61 jir) ayaa la filayaa inuu heshiis laba sano ah ku kordhiyo Barcelona, iyadoo faahfaahinta heshiiska cusub la dhammeystiri doono toddobaadka soo socda.

**Liverpool ayaa la sheegay inay ka fiirsanayaan inay xagaagan u dhaqaaqaan saxiixa Bradley Barcola, waxaana laga yaabaa inay leeyihiin faa’iido weyn oo ay ku helaan ciyaaryahankaas, inkastoo warar ay sheegayaan in Paris Saint-Germain ay si dhow u bilaabi karto wadahadallo heshiis cusub ah dhawaan.

**Arne Slot ayaa shaaciyay in ka faa’iidaysiga awoodda buuxda ee Alexander Isak ay door muhiim ah ka ciyaari doonto sida Liverpool u qaabeyn doonto raadinta beddelka Mohamed Salah.

**Manchester United ayaa diyaar u ah inay ilaa sagaal ciyaaryahan ka fasaxaan kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

**Bayern Munich kuma jiraan kooxaha ka fiirsanaya inay xagaagan u dhaqaaqaan Marcus Rashford, oo ka soo baxay akadeemiyada Manchester United, inkastoo weeraryahanku uu bandhig fiican sameeyay intii uu amaahda ku joogay Barcelona.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga