Real Madrid oo guul weyn ka gaartay Leganés kadib kulan aan caadi aheyn ……

Kooxda Real Madrid ayaa guul weyn oo 4-1 ah ka gaartay Leganés kulan saaxiibtinimo oo lagu ciyaaray garoonka Alfredo Di Stéfano, kaas oo qayb ka ahaa diyaar-garowga xilli ciyaareedka cusub ee 2026/2027.

Kooxda uu hoggaamiyo José Mourinho ayaa soo bandhigtay ciyaar heer sare ah, iyadoo guushan ay timid kadib markii ay toddobaadkii hore 1-0 uga adkaatay Alcorcón kulan kale oo saaxiibtinimo ahaa.

Real Madrid ayaa hoggaanka qabatay daqiiqaddii 21-aad, markii Federico Valverde uu dhaliyay goolka koowaad kaddib isku-dheelitir qurux badan oo uu la sameeyay Arda Güler.

Afar daqiiqo kaddib, daqiiqaddii 25-aad, weeraryahanka da’da yar Gonzalo García ayaa laba jibbaarey natiijada, isagoo ka faa’iideystay baas sax ah oo uu bixiyay Trent Alexander-Arnold.

Leganés ayaa rajadooda soo nooleysay daqiiqaddii 36-aad, markii mid ka mid ah ciyaartoydeeda uu dhaliyay gool qurux badan oo uu  goolhaye Andriy Lunin badbaadi waayey.

Qeybtii labaad ayay Real Madrid mar kale ciyaarta gacanta ku dhigtay. Daqiiqaddii 58-aad, Franco Mastantuono ayaa dhaliyay goolka saddexaad, kaddib markii kubbad uu Trent Alexander-Arnold laad ku tuuray uu goolhayaha Leganés celiyay, balse Mastantuono uu si dhow uga faa’iideystay.

Hal daqiiqo kaddib, daqiiqaddii 59-aad, daafaca Pulido ayaa si qalad ah kubadda uga dhaliyey  shabaqiisa, taasoo natiijada ka dhigtay 4-1 oo ay ku badisay Real Madrid.

Real Madrid ayaa haatan sii wadi doonta diyaar-garowgeeda iyadoo laba kulan oo saaxiibtinimo ay la ciyaari doonto Fiorentina iyo Deportivo La Coruña, ka hor inta aysan 22-ka Agoosto ku bilaaban tartanka horyaalka La Liga oo ay wajihi doonto Espanyol.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga