Cabsida Barcelona ayka qabto aawadeed , Bayern oo Talaabo culus qaaday , Kane mabaxayaa ?

Kooxda Bayern Munich ayaa qorsheyneysa inay bisha Agoosto bilowdo wada-hadallo rasmi ah oo ku saabsan heshiis cusub oo loo bandhigayo weeraryahankeeda Harry Kane.

Sida wararku sheegayaan, wada-xaajoodyada ayaa dhici doona toddobaadyada soo socda, iyadoo maamulka Bayern uu mudnaanta koowaad siinayo sii haynta kabtanka xulka England.

Wararka qaar ayaa sheegaya Barcelona hadii ay kusoo fashilanto alvarez waxey isku dayi doontaa iney lasoowareegaan Harry Kane.

Bayern ayaa diyaarisay qandaraas cusub oo ay ku qancinayso Kane inuu sii joogo Allianz Arena, maadaama ay u aragto inuu yahay tiir muhiim u ah mashruuca kooxda iyo qorshaheeda mustaqbalka.

Si kastaba ha ahaatee, go’aanka kama dambaysta ah wuxuu ku xirnaan doonaa Harry Kane iyo qoyskiisa, kuwaas oo go’aamin doona haddii uu sii joogi doono Bayern Munich ama uu qaadi doono tallaabo cusub mustaqbalka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga