Waa Maxay Sababta Ay Arsenal U Badashay Magaca Garoonkeeda Kulankii Fc Porto

Kooxda Arsenal ayaa si la yaab leh u badashay magaca garoonkeeda kulankii Fc Porto ee champions league.

Arsenal ayaa xalay iska xaadirisay wareega 8 dhamaadka champion league Kadib markii ay ka badiyeen Fc Porto.

Laakiin waxa dhacday Arin Laga yaabo in aanad maqlin ama aqoon u lahayn.

Arsenal ayaa ku qasbanaatay in ay badasho magaca garoonkeeda.

Sida aan ka war qabno garoonka Arsenal ayaa lagu magacaabaa “Emirates” iyada Oo iibisay xuquuqda garoonka kana iibisay shirkada diyaaradaha ee Emirates airlines Oo Laga leeyahay dalka imaaraadka carabta.

Laakiin UEFA ayaan aqoonsanayn heshiiska dhexmaray Arsenal iyo waliba shirkada diyaaradaha ee Emirates airlines

sidaas darteed Arsenal ayaa kulankii Fc Porto garoonkeeda u bixisay “Arsenal Stadium”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga