Martin Odegard Oo Rumeeyay Saadaal Laga Sameeyay 11 Sano Ka Hor.

Qoraal ku saabsan Martin Odegaard oo soo baxay 2014 ayaa noqday mid Aad loo hadali hayo Kadib markii ay Arsenal iska xaadirisay wareega 8 dhamaadka champion league.

Arsenal ayaa rikoodhayaal ku Garaacday kooxda Fc Porto Kadib markii ay bar-baro ku kala bixi waayeen 120 daqiiqo kulankii ka dhacay Emirates.

Ciyaarta kadib qoraal Laga yidhi kabtanka Arsenal sanadkii 2014 ayaa noqday mid run noqday.

Bogg lagu magacaabo 101 Great Goals’, ayaa ku soo qorya Twitterka: “Haddii Arsenal ay la soo wareegto Martin Odegaard, waxay u soo baxayaan wareega 8da Champions League 2024.”

Xiddiga reer Norway ayaa qayb muhiim ah ka ahaa kooxda Arsenal tan iyo markii uu kooxda ugu soo biiray heshiis joogto ah Real Madrid xagaagii 2021.

Odegard ayaa kooxdiisa ku Hogaamiyay 8 dhamaadka champion league isaga Oo caawiye ka ahaa goolkii uu dhaliyay Trossard kulankii Porto.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga