Liverpool ayaa wajahaysa isbeddel muhiim ah kadib bixitaankii Mohamed Salah, iyadoo kooxda ay hadda u baahan tahay inay go’aamiso ciyaaryahanka noqonaya ninka cusub ee laadaya ama tuuraya rigoorooyinka ama gool kulaadyada.
Salah wuxuu muddo dheer ahaa ninka ugu weyn ee Liverpool ka qaada rigooreyaasha, waxaana bixitaankiisa uu kooxda ka dhigay inay raadsato beddel lagu kalsoonaan karo, Warbixinnada cusub waxay muujinayaan in Dominik Szoboszlai uu yahay musharraxa ugu cad-cad.
Szoboszlai wuxuu horey u muujiyay inuu awood u leeyahay inuu cadaadiska qaado, isagoo Liverpool rigoore u dhaliyay kulankii ay la ciyaartay Inter Milan xilli ciyaareedkii hore, Waxa kale oo uu caan ku yahay qaadista kubbadaha go’an iyo free-kicks-ka.
Alexis Mac Allister ayaa isna ah xulasho aad loogu kalsoonaan karo, Xiddiga reer Argentina wuxuu leeyahay khibrad badan oo rigooreyaal ah, waxaana uu ka mid yahay ciyaartoyda Liverpool ee hadda jooga ee awoodda u leh inay shaqadan qabtaan.
Dhanka kale, Alexander Isak ayaa sidoo kale tartanka ku jira, Weeraryahanka reer Sweden ayaa leh awood gooldhalineed oo sare, waxaana loo arkaa musharrax kale oo muhiim ah haddii tababaraha cusub Andoni Iraola uu go’aansado inuu isaga ku aaminaado tuurista gool kulaadyada .
Cody Gakpo iyo Florian Wirtz ayaa sidoo kale leh khibrad rigoore, sidaas darteed Liverpool waxay haysataa dhowr ciyaaryahan oo ay ka dooran karto.
Si kastaba ha ahaatee, Szoboszlai ayaa hadda u muuqda xulashada ugu macquulsan, gaar ahaan maadaama uu horey u qaaday rigooreyaal muhiim ah isla markaana uu leeyahay khibrad kubbadaha go’an.
Salah wuxuu Liverpool uga tagay boos weyn oo aan kaliya ahayn weerarka, balse sidoo kale rigoorayaasha, waxaana hadda la sugayaa in Szoboszlai ama Mac Allister uu si rasmi ah ula wareego masuuliyaddaas.
Xilli cusub ayaa Liverpool uga bilaabanaya Anfield, iyadoo kooxda ay sidoo kale ku jirto dib-u-dhis ballaaran iyo tababare cusub. Sidaas darteed, ciyaaryahanka qaadanaya rigooreyaasha wuxuu noqon doonaa mid ka mid ah go’aannada muhiimka ah ee bilowga xilli ciyaareedka 2026/27.
Be the first to comment