Virgil van Dijk Oo Shaaca Ka Qaaday Fal Celiskii Xiddigaha Liverpool Kadib Go’aankii Klopp.

Xiddiga daafaca uga ciyaara ahna kabtanka kooxda Liverpool Virgil Van Dijk ayaa shaaca ka qaaday fal celiskii xiddigaha Liverpool kadib go’aankii Klopp ku shaaciyay in uu ka tagayo kooxda.

Klopp ayaa shaaciyay in uu siaga tagi doono Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib markii uu joogay muddo 8 sano ah.

“Way adagtahay in la aqbalo sababta oo ah Tabbaaruhu wax walba ayuu noo yahay, aniga ahaan iyo kooxdaba”ayuu yidhi.

“Si shaqsi ah ayuu noogu sheegay dhamaanteen anaga oo wada joogna sidaas darteed waxa uu go’aanku noqday mid aan la qaadan karin”ayuu sii raaciyay.

Klopp ayaa si lama filaan ah ku shaaciyay in uu isaga tagayo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga