Tababare Maamula Koox Premier League Ah Oo U Sharax In Uu Barcelona Ka Badalo Xavi.

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa ka mid noqon doona liiska musharaxiinta Barcelona ee u sharaxan badalka Xavi, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Spain.

Ka dib guuldaradii 5-3 ee Barca ka soo gaartay Villarreal habeenkii sabtida, Xavi wuxuu ku dhawaaqay inuu ka tagayo shaqada tababarenimo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay Gerard Romero, madaxda Barcelona ayaa durba bilaabay inay raadiyaan bedelka Xavi, iyadoo Deco uu la hadlayay wakiilada tababarayaasha ay doonayaan in ay badalaan Xavi.

Romero ayaa sheegay in Arteta uu hadda ku jiri doono liiska tababareyaasha Barcelona u sharaxan in ay noqdaan tababaraha cusub ee kooxda.

Arteta ayaa ka mid ah tababarayaasha u soo kacaya kubada cagta wakhti xaadirkan waxana uu qaab ciyaareed ka soo saaray Arsenal.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga