Laba Xiddig Oo Arsenal U Ciyaara Oo Dirqi Lagu Kala Qabtay Kadib Guushii Nottingham Forest.

Xiddigaha Arsenal ee Oleksandr Zinchenko & Ben White ayaa si dirqi ah lagu kala qabtay kadib dhamaadkii kulankii ay Gunners ka badisay Nottingham Forest ee ka tirsanaa horyaalka premier League.

Kooxda Arsenal ayaa guul dirqi ah ka gaadhay Forest kulan ay ku badiyeen 2/1 kana tirsnaaa horyaalka premier Legaue.

Xiddigaha Oleksandr Zinchenko & Ben White ayaa lagu soo waramayaa in isku dhacoodu sabab u ahaa khalad dhacay goolkii 1-aad ee ay dhalisay kooxda Nottingham Forest.

Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa soo kala dhex galay labada xiddig waxana uu sheegay in uu ku farxay isku dhaca labada xiddig.

“Waan ku farxay isku dhocooda sababta oo ah waxa ay doonayaan in ay noqdaan kuwa ugu fiican booskooda iyo shaqadooda, kuma faraxsana in laga dhaliyay gool waxana ay isku dayeen in ay xaliyaan”ayuu Arteta yidhi.

Arsenal ayaa 2 dhibcood u jirsatay hogaamiyayaasha horyaalka ee Liverpool waxana ay sii wadaan baacsiga ku guulaysiga horyaalka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga