Virgil van Dijk Oo Magacaabay Cidda Masuulka Ka Ah Bar-Barihii Ay Liverpool La Gashay Man United

Virgil van Dijk ayaa aaminsan in Liverpool ay kaliya iska leedahay eeda ka dib markii ay ku guuldareysteen inay ka badiyaan Man United Axadii.

Inkasta oo ay awood u sheegteen Man United, Liverpool ayaa ku fashilantay in ay ka badiso Man United.

Man United ayaa bar-baro 2/2 ah ku qabatay Liverpool kulan ka dhacay Old Trafford kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

“Waxa ay ahayd in aan dhalino 2/0 qaybtii hore ee ciyaarta”ayuu u sheegay Sky.

“Waxa aan maamulaynay ciyaarta guud ahaan”.

“Waa ceeb, runtii guuldaro ayaan dareemaynaa haata marka la eego in aan iska khasaarinay fursado badan”ayuu sii raaciyay.

“Nasiib daro waxa aan samaynay khaldaad shaqsi ah laakiin waxa aan haysanay fursado aan ciyaarta kaga dhalin karno goolal”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga