WARBIXIN: Saddex Meel Oo Ay Ku Kala Badin Karaan Kooxaha Bayern Munich Iyo Arsenal.

Kulan xiiso leh ayaa la sugayaa kaas oo ka dhexayn doona kooxaha Arsenal Iyo Bayern Munich champions League.

Labada kooxood ayaa kulanka soo galaya iyaga oo isha ku haya in ay guul ka gadhaan kulanka.

Warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa meelaha ay ku kala badin karaan kooxaha Arsenal Iyo Bayern Munich

1.William Saliba vs Harry Kane:

Harry Kane ayaa dib u soo cusboonaysiin doona xafiiltanka uu kula jiro Arsenal wareega 8da Champions League wuxuuna weeraryahankii hore ee Tottenham uu doonayaa inuu sii wato rikoorkiisa gooldhalinta ee Gunners.

Kabtanka England ayaa kaliya goolal ka badan ka dhaliyay Leicester City iyo Everton marka loo eego cadowgiisii ​​hore ee waqooyiga London, iyadoo Kane uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay Munich.

William Saliba iyo Gabriel ayaa loo xilsaari doonaa inay 30 jirkaan u diidaan fursad uu mar kale ku ciqaabo Arsenal, iyadoo hore uu ahaa daafaca dhexe ee ku habboon inuu la dagaallamo Kane labada lugood.

Laacibka reer France ayaa markale soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah xiliciyaareed kaan, inkastoo uu shaki la’aan leeyahay orodkiisa iyo awoodisa jir ahaandeed ku joojin karo Kane.

2.Martin Odegaard vs Jamal Musiala:

Inkasta oo xiddigaha khadka dhexe ee Martin Odegaard Jamal Musiala aysan u badneyn inay si joogta ah fool ka fool isaga hor yimaadaan labada ciyaaryahan ayaa ah hal abuurayaasha ugu weyn ee kooxahooda.

Kulan xiiso leh ayaa la sugayaa kaas oo ka dhexayn doona kooxaha Real Madrid iyo Man City champions League.

Labada kooxood ayaa kulanka soo galaya iyaga oo isha ku haya in ay guul ka gadhaan kulanka.

Warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa meelaha ay ku kala badin karaan kooxaha Real Madrid iyo Man City.

3.Matthijs de Ligt vs Kai Havertz:

Xiddiga daafaca ka ciyaara ee Matthijs de Ligt ayaa la filayaa in uu ku bilowdo daafaca dhexe ee kooxdiisa waxana loo xil saari doonaa in uu joojiyo Havertz.

Havertz ayaa dhinaca kale ku jira qaab ciyaareed cajiib waxana uu kooxda Arsenal u daliyay 6 gool 7-dii kulan ee ugu dambeeyay premier League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga