WARBIXIN: Sababaha Ay Real Madrid Ugu Guulaysan Karto Champions League XIlli Ciyaareedkan

Kooxda Real Madrid waa boqorada Tartanka UEFA Champions League.

Waxay heystaan ​​14 koob oo Yurub ah iyaga oo ah kooxda ugu guulaysiga badan tartanka.

Si kastaba ha ahaatee, Los Blancos ayaa lagu ceebaystay Semi-final-ka tartanka xilli ciyaareedkii hore, waxaana ay dooneysaa inay ka aarsato sidii xun ee looga reebay tartanka.

Warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa sababta ay Real Madrid ugu guulaystan karto Champions League.

1.Jude Bellingham:

Waxa ay ahayd mid fudud in la aamino in uu Jude Bellingham qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigi doona Real Madrid laakiin dad yar ayaa filayay in uu u ciyaari doono sida uu haatan u ciyaarayo.

Xiddiga 20 jirka ah ayaa wacdaro ka dhigay Spain waxana uu dhaliyay 20 gool halka uu caawiye ka noqday 10 kale.

2.Kooxo Jilicsan Oo Ku Hadhay Tartanka:

Inkasta oo ay Real Madrid ku aaday qaybta ugu adag ee isku aadka hadana waxa iska cad in ayna kooxo adag ku hadhin tartanka.

Kooxda ay Real Madrid la ciyaarayso wareega 8 Dhamaadka ee Man City ayaan xitaa ahayn kooxdii ay ahayd xilli ciyaareedkii hore halka Bayern Munich ku jirto qaab ciyaareed aad u liita Arsenal-na ayna khirbad u lahayn tartanka wareegyada dambe.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga