UEFA Oo Soo Saartay Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Champions League.

Waxa la soo afjaray kulamadii lugta hore ee wareega 8 dhamaadka tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid kaliya ayaa guulo gaadhay kulamadii ay ciyaareen.

Kooxaha kale ayaa dhamaantood bar-baro galay iyaga oo isla ciyaaray oo bar-baro ku kala bixi waayay.

UEFA Ayaa soo saartay shaxda ugu fiican todobaadka champions League iyada oo soo xulatay xiddigaha qaab ciyaareedka fiican ku jira.

Kooxaha Atletico Madrid iyo Man City ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh min 3 xiddig.

Kooxda Barcelona ayaa shaxda ku leh 2 xiddig halka kooxaha kooxaha, Arsenal, Real Madrid iyo Dortmund shaxda ku leeyihiin min hal xiddig

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga