Xiddig Man United Oo U Dabaal-dagay Guuldaradii Liverpool Ee Europa League.

Weeraryahanka Manchester United Rasmus Hojlund ayaa ku biiray dabaaldegga Atalanta ka dib guushii 3-0 ay ka gaareen Liverpool ee tartanka Europa League fiidnimadii Khamiista.

Kooxda Klopp ayaa lagu xasuuqay Anfield kulan ka tirsanaa Europa League iyaga oo haatan si buuxda uga baxay tartanka inkasta oo ay lug 2-aad jirto.

Dhanka kale, Hojlund, ayaa hal xilli ciyaareed ku qaatay Atalanta ka hor inta uusan 72 milyan ugu dhaqaaqin Manchester United xagaagii hore, laakiin xiddiga heerka caalami ee dalka Denmark ayaa si cad weli isha ugu haya kooxdiisii ​​hore.

Guushii Atalanta ka dib, Hojlund waxa uu soo dhigay sawirka kooxda oo ku damaashaadaya garoonka Anfield isaga oo ay la socdaan ereyada ‘Mola mia’ – oo la macno ah ‘waligaa ha is dhiibin’.

Liverpool ayaa ugu cad-cad in ay wareegan kaga hadho tartanka maadama ay todobaadka dambe u baahantahay in ay guulo weyn gaadho hadii ay u baahantahay in ay u gudubto wareega xiga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga