Ten Hag Oo Sheegay Xiddig Dhaawacan Oo Doonaya In Uu Ciyaaro kulanka Arsenal

Tababaraha Man United ee Erik Ten Hag ayaa sheegay xiddig Kooxdiisa ah oo dalbaday in uu ciyaaro kulanka Arsenal isaga Oo xitaa dhaawacan.

Xiddiga Lisandro Martinez ayaa Ka dalbaday Erik Ten Hag in uu ciyaaro kulanka adag ee ay Man United la Ciyaari Doonto Arsenal kulan ka tirsan premier league.

Lisandro Martinez ayaa ku dhibaatooday dhaawacyo xilli ciyaareedkan isaga Oo kulamo badan dhaawac uga maqnaa Kooxdiisa.

Xiddiga reer Argentina ayaa ku dhaw in uu ku Soo laabato tababarka buuxa ee kooxda.

Inkasta Oo uuna si buuxa uga Soo Kabsan dhaawaca hadana xiddiga ayaa dalbaday in uu ciyaaro kulanka Arsenal.

“Shalay, Licha [Lisandro Martinez] ayaa ii yimid oo doonayay inuu ciyaaro axada kulanka Arsenal laakiin weli diyaar uma aha,” Ten Hag ayaa ka sheegay shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga