Waxa suurtagal ah in rikoodhayaal lagu kala boxo kulanka caawa ee final-ka Euro 2024 oo u dhexayn doona xulalka Spain iyo England.
Xulka England ayaa doonaya in uu ku guulaysto koobka kadib markii uu gaadhay Final-ka tartankii ka horeeyay kan.
Dhinaca kale xulka Spain ayaa doonaya in ay sii wadaan qaab ciyaareedka fiican kuna guulaystaan tartanka.
Hadaba labada xul midkee ku fiica rikoodhayaasha ka hor final-ka.
Kulanka u dhexeeya xulak Spain iyo England waxa guul gaadhay 13 xulka England halka uu xulka Spain gaadhay guul 10 kulan.
Labada xul ayaa ku kala baxay bar-baro 4 kulan halka xulka England dhaliyay 45 gool isla markaas Spain dhaliyay 32 gool.
Dhinaca rikoodhayaasha xulka Spain ayaa ka fiican xulka England iyada oo xulka Spain rikoodhayaal ciyaareen 13 jeer oo hore kulan Rasmi ah waxana ay badiyeen 7 jeer halka laga badiyay 6 kulan oo kale.
England ayaa dhinaceeda ciyaartay rikoodhe 11 jeer waxana ay badisay kaliya 4 jeer halka laga badiyay 7 kale.
Be the first to comment