Solskjaer Oo Man United Farta Ugu Fiiqay Badalka Erik Ten Hag.

Tababarihii hore ee Man United Ole Gunnar Solskjaer ayaa kooxdiisii hore u sheegay tababaraha ay ku badali karaan Erik Ten Hag.

Erik Ten Hag ayuu cadaadis weyn saaran yahay kadib markii ay kooxdu guuldaro kala kulantay Tottenham Axadii kulan ka tirsanaa premier League.

Ten Hag ayaa laga yaabaa in laga caydhiyo shaqada Tababaranimo ee kooxda Man United iyada oo uu cadaasisku ku sii badanayo.

Solskjaer ayaa Man United u sheegay in ay tababare cusub ka dhigato xiddigeedii hore ee khadka dhexe ee Michael Carrick.

“100% Waxa aa hubaa in uu Michael Man United u noqon doono tababare fiican”ayuu Solskjaer yidhi.

“Waxa xaqiiqo ah in uu Michael noqon doono tababaraha Man United”ayuu sii raaciyay.

Michael Carrick ayaa horay u noqday tababare ku meel gaadh ah kadib markii ay Man United shaqada ka caydhisay Solskjaer.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga