Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Premier League Oo La Soo Saaray

Kooxda Leicester City ayaa Chelsea ku garaacday FA Cup-ka iyaga oo markii ugu horaysay ee taariikhdooda kor u qaaday koobka ugu da’da weyn kubada cagta kulan ka dhacay Wembley.

Goolhayaha Liverpool ee Alisson ayaa dhankiisa guul ku hogaamiyay kooxdiisa Liverpool kadib markii uu dhaliyay goolkii guusha kulankii West Brom ee horyaalka premier League.

Kooxda Man City ayaa dhankeeda guul ka gaadhay kooxda Newcastle United kulan 7 gool kala dhaliyay oo ay Man City 4/3 ku dhalisay kulan xiiso gaar ah alagaa.

Tottenham ayaa dhankeeda 2/0 ku garaacday Wolves halka Crystal palace guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Aston Villa kulan ku dhamaaday 3/2 halka ay Leeds 4/0 uga badisay Burnley.

Dhanka kale kooxda Southampton aya 3/0 ku garaacday kooxda Fulham halka ay Everton guuldaro kala kulantay kooxda Sheffield United halka ay West Brom iyo Brighton ku kala bexeen bar-baro 1/1 ah.

Kadib natiijooyinkii kulamada todobaadkan ee premier League iyo FA Cup-ka Final-ka shabakada BBC Sport ayaa soo saartay shaxda ugu fiican todobaadkan.

Kooxaha Leicester City & Liverpool ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh min 3 xiddig kuwaas oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kulamadoodii.

Kooxaha Sheffield United, Leeds United, Man City, Southampton iyo Tottenham ayaa dhankooda shaxda ku leh min hal xiddig.

Garth Crooks' team of the week

Sii Akhriso: Tilmaamaha & Astaamaha Qeexan Ee Jacaylka Dhabta Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*