Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Premier League Oo La Soo Saaray.

Kooxda Man City ayaa ku sii dhawaatay ku guulaysiga horyaalka premier League kadib markii ay guul raaxo leh ka gaadhay kooxda Crystal Palace iyaga oo talaabo kale u qaaday ku guulaysiga horyaalka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga Gareth Bale ayaa dhaliyay saddexley kooxdiisa Tottenham-na ka caawiyay in ay guul fudud oo 4/0 ah ka gaadho kooxda haatanba u dhaadhacday championship-ka ee Sheffield United.

Kooxda chelsea ayaa dhankeeda garaacday Fulham halka ay West Ham sii waday baacsiga ay ugu jirto boosaska tartamada yurub iyaga oo garaacay kooxda Burnleu.

Kooxda West Brom ayaa bar-baro 1/1 ah la gashay kooxda Wolves halka ay Leiceter City iyo Southampton laftoodu ba-rbaro 1/1 ah ku kala bixi waayeen.

Arsenal ayaa dhankeeda ku soo laabatay wadada guulaha iyaga oo garaacay kooxda Newcastle United Haka ay Brighton garaacday Leeds United ugu dambayn Aston Villa ka badisay kooxda Everton.

Kulankii ugu weynaa ee todobaadkan oo ahaa kulankii dhexmari lahaa Man United iyo Liverpool ayaa la baajiyay sabab la xidhiidha mudaharaadyo ka dhacay gudaha iyo banaanka garoonka Old Trafford.

Kadib dhamaadkii todobaadkan shabakada BBC Sport ayaa soo saartay shaxda isku dhafka ah iyada oo kooxda celsea xiddigaha ugu badan ku leedahay kuna leh 3 xiddig.

Kooxaha Brighton iyo West Ham ayaa dhankooda shaxda ku leh min 2 xiddig halka kooxaha Leicester City, Tottenham, Man City iyo Arsenal min hal xiddig ku leeyihiin shaxda.

Team of the week

Sii Akhriso: Astaamaha Lagu Garto Jacaylka Shuruud La’aanta Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*