Muxuu Bar-Barihii Aston Villa La Gashay Liverpool Ula Macno Tahay Arsenal.

Bar-barihii cajiibka ahaa ee Aston Villa ay la gashay Liverpool isniintii ayaa la macno ah in Tottenham ay ku qasbantahay in ay ka badiso Man City si ay ay uGu soo baxdo champions League xilli ciyaareedka dambe.

Taas ayaa war fiican u ah Arsenal Iyo rjadeeda ku guulaysiga horyaalka Premier League.

Liverpool ayaa bar-baro 3/3 ah la gashay Aston Villa kulan ka dhacay Villa Park kana tirsanaa horyaalka.

Bar-baraha ayaa u fiican Arsenal maadama hadii  Aston Villa badin lahayd ay xaqiiqsan lahayd kaalinta 4-aad ee loogu oo boxo champions League laakiin bar-barihii ay galeen ayaa rajo siiyay Tottenham Iyo rajadooda.

Hadii ay Tottenham ka badiso ma dhibco ka qaadato Man City kulanka manta waxa ay la macno tahay in ay Arsenal ku guulaysan doonto horyaalka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga