Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Champions League Oo La Soo Saaray.

Waxa la soo afjaray kulamadii lugta 1-aad ee Semi-final-ka champions League.

Kooxaha Real Madrid iyo Bayern Munich ayaa isaga hor yimid kulan xiiso leh iyaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Los Blancos iyo Bavaria ayaa ku kala baxay bar-baro 2/2 ah kulan aad loo daawaday.

Dhinaca kale kooxda Dortmund ayaa garaacday PSG iyaga oo hal lug la galay Final-ka tartanka.

Kadib kulamada la ciyaaray waxa la soo saaray shaxda ugu fiican todobaadka premier League.

Kooxda Dortmund ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 6 xiddig.

Kooxaha PSG iyo Real Madrid ayaa shaxda ku leh min 2 xiddig halka ay Bayern Munich shaxda ku leedahay hal xiddig.

CL TOTW SF1

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga