Dhirbaaxo: Xiddig Muhiim Ah Oo Ka Dhaawacmay Man City Ka Hor Kulanka Arsenal

Kooxda Man City ayaa war xun ka heshay fasaxa xulalka kadib markii uu dhaawac soo gaadhay weeraryhanla Erling Haaland.

Haaland ayaa ku dhaawacmay tababarka xulka qarankiisa Norway xilli uu isku diyaarinayo kulamada xulkiisa ee saaxiibtinimooyinka.

Xiddiga Man City ayaa ku biiray tababarka xulkiisa ka hor kulamada uu xulkiisu la ciyaari doono Czech Republic & Slovakia.

Weeraryahanka ayaa u muuqday mid dhaawac ka soo gaadhay tababarka waxana la arkay isaga oo xanuun dareemaya oo dhulka fadhiya.

Man City ayaa la ciyaari doonta Arsenal kulan muhiim ah kadib fasaxa xulalka ee labada todobaad ee soo socda.

Kooxda Guardiola ayaa hal dhibic ka dambaysa kooxda Arsenal ka hor kulankooda waxana ay u baahan yihiin in ay badiyaan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga