
Liverpool ayaa mar kale waayi doonta Cody Gakpo iyo Joe Gomez kulanka Premier League ee ay u safrayaan Aston Villa.
Kooxda hogaanka haysa ee Liverpool ayaa 2-1 ku garaacday Wolves Axadii si ay u sii xajistaan hogaanka 7 dhibcood ee ay ka hayaan Arsenal laakiin waxa hubaal ah in ay wajihi doonaan shaqo aad u adag marka ay la ciyaarayaan Aston villa.
Gakpo ayaa ka fadhiistay guushii ay ka gaareen Wolves sababtoo ah jug soo gaartay kulankii Everton, Arne Slot ayaa xaqiijiyay in xiddiga reer Holland uusan soo laaban doonin si uu u ciyaaro kulanka.
Joe Gomez ayaa sidoo kale seegi doona safarka Villa Park, ka dib markii uu dhaawac muruqa ah kasoo gaaray kulankii ay Liverpool guuldarada lama filaanka ah ka soo gaartay Plymouth FA Cup.
Tyler Morton ayaa sidoo kale dhaawacan Halka uu xiddiga Curtis Jones kulanka ku seegi doona kulanka.
Maqnaanshaha Gakpo ayaa la macno ah Diogo Jota iyo Darwin Nunez ayaa ku tartami doona hogaaminta weerarka.
Shaxda Ay Liverpool Kaga Hor Tagi Karto kulanka Aston villa.
Alisson; Alexander-Arnold, Konate, Van Dijk, Robertson; Gravenberch, Jones; Salah, Szoboszlai, Diaz, Jota
Be the first to comment