Santi Cazorla Oo Qiimeeyay Fursadaha Arsenal Ee Ku Guulaysiga Premier League Ee Xilli Ciyaareedkan.

Halyeeyga kooxda Arsenal ee Santi Cazorla ayaa ka hadlay fursadaha kooxda Arsenal ee ku guulaysiga horyaalka premier League.

Manchester City ayaa ku jirta kaalinta koowaad ee kala sarreynta horyaalka Ingiriiska, iyadoo leh 73 dhibcood, iyadoo laba dhibcood ka saraysa Arsenal iyo Liverpool.

Cazorla oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”“Mikel Arteta waxa uu bedelay maskaxdii Arsenal”.

Xiddiga reer Spain oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Markii aan joogay Arsenal, wax baa ka maqnaa Mikel taas ayuu badalay waxayna hadda haystaan ​​koox cajiib ah”.

Xiddiga reer Spain ayaa hadalkiisa ku soo xidhay: “Arsenal waa musharax cad oo horyaalka ah”.

Gunners ayaa ku ballansan inay booqato Wolverhampton kulan ka tirsan todobaadkii 34-aad ee horyaalka premier League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga