suuqa kala iibsiga ayaa xidhan laakiin kooxaha kala duwan ayaa wali si weyn loola xidhiidhinayaa xiddigaha.
Xiddigo badan ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha kuwaas oo doonaya in ay kooxo cusub ku biiraan suuqa January.
Real Madrid ayaa xiriir la samaysay daafaca midig ee Manchester United Diogo Dalot kaas oo bartilmaameed u ah kooxda si ay ugu xoojiyaan daafaca dambe (Relevo).
Si kasta ha ahaatee Barcelona ayaa kula tartami karta Dalot iyada oo Deco uu xiddiga reer Portugal u arko mid ku haboon kooxda Hansi Flick (CaughtOffside).
Labada kooxood ee Barcelona iyo Real Madrid ayaa sidoo kale ka fiirsanaya inay dalab ka gudbiyaan weeraryahanka Marseille Mason Greenwood (TBR Football).
Madaxa fulinta Man Utd Omar Berrada ayaa riixaya baacsiga ay Man United ugu jirto daafaca bidix ee AC Milan Theo Hernandez. (Sky Switzerland)
Kooxda Paris Saint-Germain ayaa isku diyaarinaysa in ay kooxda chelsea u soo bandhigto fursad ay kula soo saxiixan karto weeraryahan Randal Kolo Muani taas oo qayb ka ah dalab ay Christopher Nkunku dib ugu laabanayo France (Fichajes).
Liverpool ayaa diyaar la ah €80m oo u dhiganta (£66.4m) si ay ula soo wareegto xiddiga khadka dhexe ee kooxda Athletic Club Oihan Sancet (Fichajes).
Chelsea ayaa kula biirtay Real Madrid tartanka loogu jiro ciyaaryahanka khadka dhexe ee AC Milan Tijjani Reijnders (Calciomercato).
qorshe ay ku doonayso in ay dib ugu soo celiso goolhayaha kooxda PSG ee Gianluigi Donnarumma iyo xiddiga khadka dhexe ee Al Arabi ee Marco Verratti (Fichajes).
Paris St-Germain ayaa wadahadalo kula jirta weeraryahanka Masar Mohamed Salah oo ay ku doonayaan inay si xor ah ku helaan marka 32 jirkaan uu qandaraaskiisa Liverpool dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan (L’Equipe).
Si kasta ha ahaatee Kooxda PSG ayaa beenisay wararka sheegaya in ay doonayaan Salah (X).
Xiddiga Mohamed Salah ayaa doonaya in uu heshiis hal sano ah u saxiixo kooxda Liverpool (Echo).
Be the first to comment