Sababta Ka Dambaysa Dabaal-Daga Virgil Van Dijk Ee Uu Sameeyay Kulankii Chelsea Oo La Sharaxay.

Virgil van Dijk ayaa mar kale sameeyay dabaaldegiisii ​​caanka ahaa Axadii, isagoo dhaliyay goolkii uu ku qaaday finalka Carabao Cup ee Liverpool.

Van Dijk ayaa si muran dhaliyay gool looga diiday sabab la xidhiidha Offside ka hor inta uusan dhalinin goolkii guusha ku hogaamiyay finalkii axada ee Wembley.

Xiddiga reer Netherlands ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo guul muhiim ah ku hogaamiyay kooxda oo u badnayd caruur.

Kadib goolka uu dhaliyay waxa uu sameeyay dabaal-daga caanka ah ee uu gadhkiisa hoos galiyo gacantiisa kadib dhaq-dhaqaajiyo farihiisa.

sababta ka dambaysa dabaal-daga ayaa lagu macneeyay in Gabadhiisu kubad ka dhex saartay lugihiisa isla markaas sidaas ku dabaal-dagtay in ay gacmeheeda hoos galiso gadhkeeda kadib ku dabaal-dagto sidaas.

Ma ahan markii ugu horaysay ee uu Van Dijk sameeyo dabaal-dagaas laakiin waxa uu horay u sameeyay marar badan oo uu goolal u dhaliyay Liverpool.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga