Florent Malouda Oo Chelsea U Sheegay Tababaraha Ay Tahay In Ay Ku Badalaan Pochettino

Ciyaaryahankii hore ee garabka kooxda chelsea Florent Malouda ayaa sheegay in chelsea ay ku kalsoonaato tababare Mauricio Pochettino, inkastoo uu soo jeediyay in Jose Mourinho uu yahay bedelka ku haboon.

Axadii Pochettino ayaa ku fashilmay in uu ku guulaysto koobkii ugu horeeyay ee kooxda chelsea iyada oo Liverpool ku garaacday 1/0.

Tababaraha chelsea ee Pochettino ayaa wajahaya cadaadis iyada oo shaki ku jiro Mustaqbalkiisa kooxda.

Malouda ayaa haatanba chelsea u tilmaamay badalka ugu haboon ee Pochettino hadii ay kooxdu go’aansato in ay iska caydhiso.

Xiddiga reer France ayaa yimid chelsea sanadkii 2007 iyada oo Mourinho hogaaminayay kooxda.

Xiddiga ayaa haatan aaminsan in ay Blues dib u soo celiso Mourinho hadii ay dhacdo in ay caydhiyaan tababare Pochettino.

Malouda ayaa yiri: “Kama walwalo Pochettino, waxaan ka walwalsanahay Chelsea, marka la eego maamulayaasha, marka aad eegto xulashooyinka jira marka laga reebo Mourinho, ma jirto qof u muuqda in uu hogaaminayo kooxda”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga