WARBIXIN: Xiddigaha Ugu Goolasha Badan Premier League 10-kii Sano Ee Ugu Dambeeyay Oo La Soo Saaray.

Horyaalka Premier League mar walba waxa ka ciyaara xiddigo cajiib ah oo dhinaca weerarka ah Laakiin horyaalka ayaa luminaya kaalintooda 10-ka xiddig ee ugu goolasha badan 5-tii sano ee ugu dambeeyay.

Tartanka kabta dahabka ah ee Premier League ayaa ahaa mid aan wax macno ah lahayn marka la eego in haaland uu meel cidlo ah ka helay isla markaas dhaliyay 36 gool xilli ciyaareedkii hore.

Goolasha Haaland ayaa 4 gool ka badnaa rikoodhkii hore ee Mohamed Salah dhigay xilli ciyaareedkii 17/18.

Inkasta oo uu Kane dhaliyay 30 gool premier League hadana wali waxa uu aad uga hooseeyay Haaland oo sii wada wacdaraha xilli ciyaareedkan.

Inkasta oo uu Haaland sii wado wacdaraha premier League, Premier Leageu ayaa luminaya xiddigaha ugu goolasha badan sanadihii ugu dambeeyay.

Halkan Kaga Bogo 10-ka xiddig ee ugu goolasha badan Premier League 10-kii sano ee la soo dhaafay:

Mo Salah- 120 goals

Harry Kane- 105 goals

Heung-min Son- 85 goals

Jamie Vardy- 74 goals

Raheem Sterling- 72 goals

Sadio Mane- 67 goals

Callum Wilson- 67 goals

Marcus Rashford- 64 goals

Pierre-Emerick Aubameyang- 59 goals

Diogo Jota- 52 goals

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga