
Madaxweynaha Real Sociedad Jokin Aperribay ayaa beeniyay inay jiraan wadahadalo u socda Liverpool oo ku saabsan heshiis suurtagal ah oo ay ku heli karaan xiddiga garabka ka ciyaara ee Takefusa Kubo.
Warbixin ka soo baxday Japan horaantii isbuucaan ayaa laga soo xigtay “ilo badan” kuwaas oo sheegaya in ay Liverpool iyo Real Sociedad ku jiraan wadahadalo ku saabsan saxiixa Kubo.
Laakiin inkasta oo aan si buuxda meesha looga saarin la iibin karo xiddiga wakhtiga soo socda hadana Aperribay ayaa sheegay in ay waxba kama jiraan yihiin wararka sheegaya in ay Liverpool ku dhawdahay saxiixa xiddiga 23 jirka ah.
“Ma jirto arrin. Ma jiraan wax wada xaajood ah oo aan la galnay koox kale”Aperribay ayaa sidaas yidhi, isagoo la hadlaya Mundo Deportivo.
“Waxaan ku jirnaa suuqa, wax walba waa dhici karaan, laakiin Take aad ayuu ugu faraxsan yahay Real, wuuna sii joogi doonaa, aad ayaan u jecelnahay Kubo, waxaan rajeyneynaa inuu waligiis sii joogo Real.”
Be the first to comment