Real Madrid Oo War Xun Ka Heshay Xaalada Eduardo Camavinga Ka Hor Kulanka Man City.

Kooxda Real Madrid ayaa war xun ka heshay kulamada caalamiga ah kadib markii uu xiddiga Eduardo Camavinga ku dhaawacmay waajibaadka xulkiisa.

Xiddiga Eduardo Camavinga ayaa ciyaarayay kulankii uu xulkiisa France la ciyaaray xulka Chile kulan ka tirsanaa saaxiibtinimooyinka xulalka.

Xiddiga Eduardo Camavinga ayaa la badalay kadib markii uu dhaawac soo gaadhay isla markaas dhamaysan kari waayay ciyaarta.

Saxafiga Fabrizio Romano oo soo xiganaya baadhitaanka hordhaca ah ee lagu sameeyay xiddiga khadka dhexe ayaa sheegay dhaawaca xiddiga.

Eduardo Camavinga ayaa ka dhaawacmay kuraanta waxana ay kuraantu samaysay barar kadib markii uu ciyaarta ka baxay.

Xiddiga ayaa lagu samayn doonaa baadhitaano dheeraad ah si loo ogaado inta uu leegyahay dhaawaca soo gaadhay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga