Madaxweynihii hore ee FIFA, Joseph Blatter, ayaa weerar adag ku qaaday guddoomiyaha hadda ee FIFA, Gianni Infantino, isagoo ku dhaliilay siyaasadaha uu ku maamulayo hay’adda.
Infantino ayaa hore u shaaciyay rabitaankiisa ah in saamiyo ka mid ah FIFA laga iibiyo maalgeliyeyaal gaar loo leeyahay. Go’aankaas ayaa dhaliyay caro iyo dhaleeceyn xooggan oo uga timid UEFA, iyadoo xitaa la sheegay inay ku hanjabtay inay qaadacdo Koobka Adduunka.
Intaas kaddib, UEFA waxay sheegtay inaysan ka qayb geli doonin tartan kasta oo ay FIFA soo qabanqaabiso. Waxaa sidoo kale ku biiray mowqifkaas Xiriirka Kubadda Cagta Aasiya iyo CONCACAF. Cadaadiskaas xooggan awgiis, Infantino ayaa ugu dambeyn ka noqday soo jeedintiisii.
Blatter ayaa wareysi uu siiyay wargeyska Isbaanishka ee Mundo Deportivo ku yiri: “FIFA ma aha shirkad ama sanduuq maalgashi oo gaar loo leeyahay. Lacagtu waa muhiim, laakiin waa inaysan waligeed noqon wax walba.”
Wuxuu intaas ku daray: “FIFA waa hay’ad leh xeerar iyo sharciyo cad, waxaana saaran mas’uuliyad ah inay ilaaliso kubadda cagta adduunka oo dhan.”
Ugu dambeyn wuxuu yiri: “Haddii aad hantida ugu qiimaha badan kubadda cagta ka iibiso maalgeliyeyaal gaar loo leeyahay, waxaad iibinaysaa qayb ka mid ah ciyaarta. Waxaad iibinaysaa ruuxda kubadda cagta. Waxaan mar kale ku celinayaa, lacagtu waa muhiim, laakiin ma aha inay noqoto wax walba.”
Be the first to comment