Xiddiga kooxda Brighton & Hove Albion, Kaoru Mitoma, ayaa ka badbaaday xukun xabsi iyo ganaax lacageed kadib shil gaari oo ka dhacay magaalada Tokyo ee dalka Japan, kaasoo sababay in haweeney baaskiil wadatay uuku dhaco lana dhigo isbitaal.
Shilka ayaa dhacay 8-dii Luulyo, markaas oo booliiska Tokyo ay su’aalo weydiiyeen Mitoma kadib isku dhac ka dhacay isgoys magaalada ku yaalla.
Wararka ayaa sheegay in Mitoma la tuhunsanaa inuu ka gudbay nalka cas, taasoo sababtay inuu ku dhaco haweeney 48 jir ah oo baaskiil wadday.
Haweeneyda ayaa dhaawac ka soo gaaray gacanta, waxaana lagu daweeyay isbitaal, iyadoo dhakhaatiirtu u qoreen inay shaqada ka maqnaato muddo laba toddobaad ah.
Xeer-ilaaliyeyaasha Tokyo ayaa baaray kiiska, waxaana ay tixgeliyeen inay dacwad ku soo oogaan Mitoma oo la xiriirta wadis halis ah oo sababay dhaawac.
Si kastaba ha ahaatee, Jimcihii ayay ku dhawaaqeen in Mitoma aan dacwad lagu soo oogi doonin, kadib markii baaritaanku muujiyay in labada dhinacba ay jebiyeen calaamadaha taraafikada, islamarkaana caddeymo kale oo la helay ay arrintaas taageereen.
Warbaahinta Japan ayaa sidoo kale sheegtay in qaabka adag ee isgoyska iyo sharciyada taraafikada ee halkaas ka jira ay qayb ka ahaayeen sababaha xeer-ilaaliyeyaashu u gaareen go’aankaas.
Mitoma ayaa weli ka soo kabanaya dhaawac muruqa bowdada ah oo soo gaaray dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore, kaasoo ka hor istaagay inuu u ciyaaro xulka Japan tartanka Koobka Adduunka.
Dhanka kale, wakiillada Mitoma ayaa soo saaray bayaan ay ku sheegeen inay si qoto dheer uga xun yihiin shilka dhacay, ayna raalli-gelin ka bixinayaan dhibaatada soo gaartay haweeneyda dhaawacantay iyo dhammaan dadka ay arrintu saamaysay.
Waxay sidoo kale xaqiijiyeen in Mitoma uusan wax dhaawac ah soo gaarin, isla markaana uu si buuxda ula shaqeynayo hay’adaha baaritaanka, isagoo ballanqaaday in mustaqbalka la xoojin doono wacyigelinta badbaadada waddooyinka si aysan dhacdadan mar kale u soo noqon.
Be the first to comment