Real Madrid Oo Soo Laabasho Waali Ah Ka Gaadhay Bayern Munich Iskana Xaadirisay Final-ka Champions League

Kooxda Real Madrid ayaa guul soo laabasho leh oo waali ah ka gaadhay Bayern Munich iyaga oo iska xaadiriyay final-ka champions League.

Kulanka ayaa ku bilowday si dagan iyada oo koox walba dhinaceeda isku ilaalinayso isla markaas ayna ku deg-degayn weerarka.

Labada kooxood ayaa helay fursado waxana ay koox walba doonaysay in ay ku hor marto goolka 1-aad ee ciyaarta.

Labada kooxood ayaa ku kala nastay bar-baro 0/0 ah qaybta hore ee ciyaarta inkasta oo ay sameyeen fursado fiican.

Qaybta dambe ayay Bayern Munich si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal.

Daqiiqadii 68-aad ayay Bayern Munich dhaliyay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Alphonso Davies kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Tuchel ayaa khalad weyn sameeyay waxana uu galay daafac iyada oo 15 daqiiqo ka dhimantahay ciyaarta Halka uu Ancelotti weerar galiyay kooxdiisa.

Real Madrid ayaa si buuxda ula wareegtay ciyaarta iyaga oo si joogto ah weeraro u samaynayay.

Daqiiqadii 88-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Joselu kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1 ay labada kooxood bar-baro ku yihiin.

Los Blancos ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen dadaalada ay ku doonayeen goolasha.

Daqiiqadii 90+1-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Joselu kaas oo ciyaarta hogaankeeda u dhiibay kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid iska xaadirisay Final-ka tartanka Champions League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga