Matthijs de Ligt Oo Shaaca Ka Qaaday Wixii Uu Garsooruhu U Sheegay Kadib Kulankii Real Madrid,

Daafaca kooxda Bayern Munich ee  Matthijs de Ligt ayaa sheegay wixii uu Garsoorihii dhex-dhexaadinayay.

Kulankii Bayern Munich Iyo Real Madrid ayaa dhaliyay muran badan kadib khaladaad dhinaca garsooraha Iyo VAR-ta.

“Ma doonayo in aan sheego in Real Madrid ay mar walba Caawin ka helaan Garsooorayaasha laakiin maanta Garsoorayaasha ayaa sameeyay farqiga”ayuu Yidhi de Ligt.

“Garsooruhu axa uu ii sheegay ‘Waan ka xumahay khalad ayaan sameeyay”ayuu ii raaciyay.

“Waxaas waa ceeb”ayuu hadalkiisa ku oo xidhay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga