Real Madrid Oo Garaacday RB Leipzig Hal Lugna La Gashay Wareega Xiga Ee Champions League

Real Madrid ayaa guul qaali ah ka gaartay kooxda martida loo ahaa ee Leipzig, waxayna guushu ku raacday (1-0) kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee wareega 16-ka champions League.

Kooxda Real Madrid ayaa kulanka soo gashay kadib markii ay kaalinta 1-aad kaga soo baxday wareegii Group-yada tartanka champions League.

Dhanka kooxda reer Jarmal ee Leipzig, waxa ay ku soo baxday kaalinta labaad ee Group-keeda wareegii Group-yada champions League.

Ciyaarta ayaa bar-bar lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta,inkastoo fursado badan oo weerar ah ay heleen labada dhinac, iyadoo ay si qurux badan u ciyaareen daafacyada labada kooxood.

Kooxda RB Leipzig ayaa daqiiqadii 3-aadba laga diiday gool uu u dhaliyay xiddiga Benjamin Sisko, sababtoo ah qalad uu ku galay Henriques, kaasoo isticmaalay gacantiisa, waxaana tani loo arkaa faragelin jireed sababtoo ah wuu riixay, goolhaye Andrey Lunin ayaa gadaal ka yimid.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa ahayd ciyaar aad u wanaagsan, oo xamaasad badan leh, iyadoo labada kooxood ay is dhaafsadeen maamulida ciyaarta, waxaana goolkii ugu horeeyay Real Madrid u dhaliyay Brahim Diaz daqiiqadii 48-aad.

Labada kooxood ayaa halkooda kasii waday isku dayo ay ku doonayeen in ay ku dhaliyaan goolka kale, waxaana mid walba u suuragashay in ay gaarto goolka kale in ka badan, balse feejignaanta goolhayayaasha iyo daafacyada ayaa u diiday in midkood uu gool kale ku daro.

Kulanka soo laabashada ee Real Madrid iyo Leipzig ayaa la qorsheeyay in lagu qabto garoonka Santiago Bernabeu Stadium ee dalka Spain, Arbacada oo ah lixda bisha soo socota ee March.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga