Manchester City Oo Guul Qiimo Leh Kala Soo Laabatay Copenhagen Kulan Ka Tirsan Champions League

Manchester City ayaa hal lug lagashay wareega xiga ee Champions League ka dib markii ay saddex gool iyo hal kaga badisay Copenhagen.

Manchester City ayaa ciyaarta ku bilaabatay si dar dar leh iyaga oo raadinayay goolka 1-aad ee ciyaarta, waxaana daqiiqadii 3-aad uu De Bruyne ku sigtay in uu madax ku dhaliyo kubad uu ka helay Nathan Ake.

Manchester City ayaa mar kale isku dayday in ay hesho fursad uu ka helay Ruben Diaz ka dibna Ake, laakiin waxay dhaaftay meel ka baxsan garoonka, waxaana daqiiqadii 11 aad Manchester City ku guulaysatay in ay la timaado goolka furitaanka waxaana u saxiixay De Bruyne kadib caawin uu ka helay Phil Foden.

Guardiola ayaa ku qasbanaaday in uu badalkiisii ugu horeeyay sameeyo kadib markii uu saaray Jack Grealish oo lagu badalay Jeremy Doku daqiiqadii 21 aad dhaawac dartiis.

ciyaarta ayaa la hakiyay in muddo ah si loo daweeyo xiddiga Phil Foden daqiiqadii 26aad, goolhayaha Copenhagen ayaa badbaadin cajiib ah sameeyay kadib markii uu Bernardo isku dayay in uu dhaliyo gool.

Daqiiqadii 30-aad kadib 5 daqiiqo markii ay Man City iska khasaarisay fursad kooxda Copenhagen ayaa dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay Mattson.

Inta aysan dhamaan qeybta hore ee ciyaarta waxaa goolka hogaanka u dhiibay Manchester City Bernardo Silva.

Goolhayaha Copenhagen ayaa sii watay dadaalka qaybta dambe ee ciyaarta isaga oo De Bruyne ka hor istaagay gool daqiiqadii 54aad, waxaana sii socday weerarada labada dhinac, balse ma dhicin wax halis ah.

Rodri ayaa isku dayay daqiiqadii 67-aad, balse darbadiisa ayaa ku dhacday meel u dhow birta midig, waxaana ka hor dhamaadka ciyaarta u suuragashay Phil Foden uu dhaliyay goolkii seddexaad daqiiqadii 92-aad ee ciyaarta, ciyaarta ayaana ku soo idlaatay guul ay gaartay Manchester City.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga