Real Madrid Oo Garaacday Man City Iskana Xaadirisay Semi-final-ka Champions League.

Kooxda Real Madrid ayaa rikoodhayaal kaga taqalustay kooxda Man City ee difaacanaysa champions League iyaga oo iska xaadiriyay Wareega Semi-final-ka champions Leugue.

Kulanka ayaa ahaa mid xiiso leh iyada oo labada kooxood kulanka soo galeen iyaga oo doonaya in ay badiyaan.

Real Madrid ayaa ahayd kooxda difaaca ku jirta isla markaas deegsanaysa weerarada rogaal celiska ah.

Daqiiqadii 12-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Rodrygo kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay Real ku hogaaminayso.

Man City ayaa bilowday in ay raadiso goolka bar-baraha iyaga oo maamulayay ciyaarta isla markaas wax walba kaga fiicnaa Real Madrid.

Laakiin Daafaca Real ayaa ahaa kuwo bir ah iyaga oo kooxda Man City u diiday in ay gaadhaan goolkooda.

Daqiiqadii 76-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Kevin De Bruyne kaas oo ciyaarta ku soo celiyay bar-baro.

Labada kooxood ayaa u baahday wakhti dheeri ah si ay u kala baxaan waxana ay ciyaareen 120 daqiiqo si ay u kala baxaan.

Kadib markii ay labada kooxood ku kala bixi waayeen waxa la isla aaday rikoodhayaal si ay midkood ugu gudubto wareega xiga ee tartanka.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay guushu ku raacday kooxda Real Madrid oo iska xaadirisay Semi-final-ka tartanka champions League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga