Bayern Munich Oo Garaacday Arsenal Iska Xaadirisay Semi-Final-ka Champions League.

Kooxda Bayern Munich ayaa garaacday Arsenal kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee wareega 8 Dhamaadka tartanka champions League.

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo iyada oo Arsenal maamulaysay ciyaarta xilli ay Bayern Munich daafac ku jirtay.

Labada kooxood ayaa helay fursado ay ku dhalin karaan goolal laakiin Goolhayayaasha ayaa sameeyay badbaadino cajiib ah.

Waxa ay bar-baro gool la’aan ah ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ayna labada kooxood wax gool ah kala dhalin.

Qaybta dambe ee ciyaarta ayay Bayern Munich si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal.

Daqiiqadii 63-aad ayay Bayern Munich dhalisay goolka waxana u dhaliyay xiddiga Joshua Kimmich kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Bayern Munich ayaa goolkaas kadib ahayd kooxda fiican iyaga oo halis galinayay goolka Arsenal marar badan iyaga oo doonayay in ay ciyaarta dilaan.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Bayern Munich garaacday Arsenal iskana xaadirisay Semi-final-ka champions League.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga