Rea Madrid Oo Trent Ku Dartay Liiska Ay Kaga Qayb Galayso Koobka Kooxaha Adduunka.

Trent Alexander-Arnold iyo Dean Huijsen ayaa lagu daray liiska ciyaartoyda Real Madrid ee ka qayb galaya koobka kooxaha aduunka.

Real Madrid ayaa xaqiijisay in bandhigga Alexander-Arnold uu dhici doono Khamiista.

Galabnimadii Arbacada, Real Madrid ayaa xaqiijisay kooxdeeda ka qeyb galeysa Koobka Kooxaha Adduunka, Huijsen iyo Alexander-Arnold ayaa ah kuwa xusid mudan.

Waxa kale oo jira boosas Dani Carvajal, Eder Militao, David Alaba, Antonio Rudiger, Eduardo Camavinga iyo Endrick, kuwaas oo dhaawac ku seegay dhamaadkii ololaha 2024-25.

Rodrygo ayaa lagu soo daray, dhanka kale, iyadoo la isla dhexmarayo mustaqbalkiisa.

Lucas Vazquez iyo Luka Modric ayaa sidoo kale ciyaari doona ka hor inta aysan ka tagin Bernabeu dhamaadka tartanka.

Halkan kaga bogo liiska Real Madrid u xulatay koobka kooxaha adduunka. 

Courtois, Lunin, Gonzalez, Mestre; Carvajal, Militao, Alaba, Alexander-Arnold, Vazquez, F Garcia, Rudiger, Mendy, Huijsen, Youssef, Jacobo, Asencio, Fortea, Aguado; Bellingham, Camavinga, Valverde, Modric, Tchouameni, Guler, Ceballos, Chema, Martin; Vinicius, Mbappe, Rodrygo, Endrick, Brahim, Gonzalo, Munoz

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga