RASMI: Kooxaha Ilaa Haatan U Soo Baxay Tartanka Koobka Kooxaha Adduunka 2025.

Tartanka Club World Cup ama koobka Kooxaha Adduunka sanadka 2025 ayaa ka duwanaan doona sidii hore iyada oo ay FIFA is badal weyn ku samaysay tartanka.

Tartanka waxa sanadka dambe ka qayb gali doona 32 kooxood oo ka kala socda qaaradaha adduunka iyada oo si weyn loogu tartami doono.

FIFA ayaa kooxaha ka qayb gali doona tartanka ku qiimayn doonta qaab ciyaareedkooda sanadihii ugu dambeeyay.

Waxa jira kooxo haatanba xaqiiqsaday booskooda tartanka markii ay buuxiyeen qiimayntii laga doonayay.

Waxa jira 21 kooxood kuwaas oo haatanba xaqiiqsaday booskooda tartanka koobka Kooxaha adduunka kana qayb gali doona tartanka sanadka dambe.

Kooxaha Man City, Real Madrid, Inter, chelsea PSG, Bayern, Juventus, Dortmund ayaa ka mid ah kooxaha ilaa haatan yurub uga soo baxay tartanka

Image

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga