10-ka Ciyaaryahan Ee Ugu Qiimaha Badan Kubada Cagta Oo La Soo Saaray

Tobanka ciyaartoy ee ugu qiimaha badan kubbada cagta aduunka ayaa la magacaabay.

Wargayska Football Transfers ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda ugu qiimaha badan kubbada cagta aduunka iyagoo soo bandhigay qiimohooda.

Xiddiga Real Madrid ee Jude Bellingham ayaa liiskan ku jira isaga oo qiimihiisu yahay 140.1 milyan euro.

Waxa uu xilli ciyaareedkan ka soo muuqday La Liga, isagoo dhaliyay 20 gool oo cajiib ah tartamada oo dhan.

Afar ciyaaryahan oo kale oo England ah ayaa ku jira tobanka ciyaaryahan ee ugu sareysa.

Harry Kane oo xagaagii hore ku biiray Bayern Munich, Bukayo Saka, Phil Foden iyo Declan Rice oo u ciyaara Arsenal iyo Bellingham tobanka ciyaartoy ee ugu qiimaha badan kubbada cagta aduunka.

Kane iyo Saka ayaa qiimahoodu dhan yahay €108.5 milyan iyo 100 milyan oo euro, siday u kala horreeyaan.

Foden ayaa lagu qiimeeyay €93.6 milyan halka Rice lagu qiimeeyay €91.9 milyan.

Bellingham ayaa ka sarreeya weeraryahanka Manchester City Erling Haaland iyo Paris Saint-Germain Kylian Mbappe, kuwaas oo lagu qiimeeyo 135.1 milyan euro iyo 122.5 milyan euro siday u kala horreeyaan.

  1. Jude Bellingham (Real Madrid) – €140.1m
  2. Erling Haaland (Manchester City) – €135.1m
  3. Kylian Mbappe (Paris Saint-Germain) – €122.5m
  4. Harry Kane (Bayern Munich) – €108.5m
  5. Bukayo Saka (Arsenal) – €100m
  6. Vinicius Junior (Real Madrid) – €96.2m
  7. Jamal Musiala (Bayern Munich) – €94.6m
  8. Phil Foden (Manchester City) – €93.6m
  9. Declan Rice (Arsenal) – €91.9m
  10. Gavi (Barcelona) – €83.5m

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga